{WARSANRADIO} Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in doorashada mid ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha Abgaal ay maanta dhaceyso, iyadoo kursigan ay ku tartamayaan Haween.
Kursigan oo ah Kursiga Beesha Wacbuudhan Abgaal, ayaa waxaa ku loolami doona Labo Haween oo ka soo jeeda Beesha Galmaax, waxaana uu noqonayaa kursigii u horeeyay ee Beesha Abgaal haween u qoondeyso, kaddib markii ay horay u diideen kuraasta kale in Haween ku soo baxaan.
Labada Musharax ee ku loolamaya kursigaas oo lagu kala magacaabo Drs. Mina Xasan Shibis iyo Bakiin Maaxi Macalin ayaa labadii maalmood ee u dambeysay ka waday magaalada Jowhar olole xooggan.
Kursigan ayaa ah mid si aad ah ishiisa lagu haayo, waana tartankii u horeeyay noociisa ee Haween ka soo jeeda Beelaha Abgaal ku tartamaan Kursi ka mid ah kuwa Aqalka Hoose.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in loolanka Kursigan ay qeyb ka tahay Madaxtooyada oo la sheegayo inay wadato mid ka mid labada haween.
Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa dhowaan sheegay in aanu aqoonsan doonin natiijo kasta ee ka soo baxda kuraasta Beesha Abgaal, iyadoo aan la siin qoondada Haweenka.
Kursiga maanta lagu dooranayo Jowhar ayaa noqonaya kursiga labaad ee Beesha Wacbuudhan Abgaal, kaddib markii horay loo doortay mid ka mid ah saddexda kursi ee Aqalka Hoose ku leeyihiin, waxaana harsan Kursiga saddexaad ee Beesha Daa’uud.