Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii uu C/risaaq Cali Cartan ku qaaday Jaamacadda Ohio ee Magaalada Columbus, maalintii Isniinta.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, ayaa sheegay ka hor inta aan la toogan C/risaaq Cali Cartan, uusan mudnaynba inuu ku noollaado Mareykanka.
Ururka Daacish oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, oo Cartan uu ku dhaawacay kow iyo toban qof.
Daacish, ayaa barteeda Amaq ku sheegtay in Cartan oo 18 sano jir ahaa, uu ahaa askari iyaga ka tirsan.
Donald Trump, ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa ku sheegay โKooxda ISIS ayaa ku faaneyso tooriyayntii Jamaacadda Ohio, oo uu gaystay qaxooti Soomaali ah, oo markii horeba aan mudnayn inuu dalkeena jooggo.โ
Weerarkan waxaa uu noqonayaa noociisii ugu horeeyay oo Muwaadin Somaliyeed uu ka gaysto gudaha Mareykanka, tan iyo markii Donald Trump loo doortay Madaxweynaha Mareykanka.
Trump, ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday bulshada Somaliyeed ee ku nool dalkaasi, isagoo markaasi ku eedeynaya inay argagixiso yihiin.