{WARSANRADIO} Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland lagu soo gabagabeeyay barnaamij loogu magac daray Bandhigii Todobaadka ee Jubbaland iyo Dadkeeda.
Barnaamijka Bandhigii Todobaadka ee Jubbaland iyo Dadkeeda oo magaalada Kismaayo ka socday muddo 5 maalmood ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxa Jubbaland u qabsoomay labadii sano ee ay jirtay.
Barnaamijkan oo xiisa gaara lahaa ayaa waxaa Qaban qaabinteeda lahaa Wasaarada warfaafinta Jubbaland, waxaana inta badan diirada lagu saaray baahiyaha kala duwan ee ay qabaan dadka reer Jubbaland.
Inta uu barnaamijka socdaya ayaa waxa ay Wasaarad walba soo bandhigtay waxqabadkeeda labadii sano ee lasoo dhaafay.
Boqolaalka dadweyne ee ka soo qeybgalay Barnaamijka ayaa Masโuuliyiinta Wasaaradaha Suโaalo la xiriira waxyaabaha qabsoomay iyo kuwa dhiman ka weydiiyay, waxa ayna Masโuuliyiinti Suโaalahaasi kala baxeen Macluumaad ka dhimanaa si ay wax uga qabtaan kuwa u harsan.
Waxaa barnaamijkan uu ahaa mid ahmiyad gaar u ahaa bulshada Jubbaland, iyadoo si gaar ah diirada loogu saarayย Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqooyinka, Nadaafada, Biyaha iyo maamul wanaaga.
Bandhiga Jubbaland iyo Dadkeeda ayaa waxaa maalin waliba marti ku ahaa ilaa shan Wasaaradood oo Suโaalo laga weydiinaayay tabashooyinka Bulshada.
Barnaamijkaani oo noqonaaya kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qabto dalka ayaa waxaa soo dhaweeyay dhamaan qeybaha bulshada.