Iyadoo ay jiraan Abaaro keentay Roob la’aantii ka dhacadey gobalada Bay iyo Bakool, ayaa gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo ay ku haysataa biyo la’aan iyo cunto yari dadakii beeralayda ahaa iyo xoogsatadii danyarta ahayd ee xoogsan jiray waxaa ay maalinta cunaaan.
Waxaa sare u kacay sicirka raashinka qutul daruuriga ah ee ay inta badan isticmaalaan dadka sida masagada,Galayda,Digirta,qamaddiga iyo sisinta looska oo laga shiido lagu iidaantyo cuntada.
Waxay shooda badarka magaalada Baydhabo ka joogtaa 8 kun oo shilin, masagada iyo Galayda qoysaska danyarta ah waxaa ay ka dhigtaan soor ,Canjeero iyo muufo taasoo qoyska oo dhan wada gaarta iyadoo uusan qof reerka ka mid qadin.
Qaar ka mid ah dadka ay saamaysay abaarta cunto yarida iyo biyo la’aanta waxay u sheegeen in raashinka ka soo go’a gudaha dalka in uu yahay mid siweyn ay u isticmaali jireen oo ay 90% noloshooda ku tiirsantahay, maadaama hadda lawaayay inta yare e hada hartay ay sii qaaliyoobayaan , in noloshooda ay sii xumaanayso.
Biyaha ayaa kor u sii kacaya maalinba maalinta kadambaysa iyadoo horay fuustada biyaha gudaha magaalada Baydhabo lagu gadi jiray 20 kun shilin soomaali , maantana waxaa ay maraysaa inta u dhaxaysa 30-40 kun oo shilin soomaali ah.
Tani waxay keentay in ay adkaato nolosha beeralayda iyo danyarta xoogood ku noolka ah ,iyadooay isa sii tarayso nolosha sii xumaanaysa tiiyoo aysan ilaa iyo iminka jirin cid isku howshay ka warqabka xaalada dadkan ee u baahan gurmadd iyo gaar ka hor inta atsan xaaladda faraha ka bixin.
Warsan Radio Wariye Feysal Dhayow Xuseen