Waxaa maanta magaalada baydhabo ka dhacay Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay sanadguurada 73-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin badan oo ka tirsan Dowlad gobaleedka Koonfur galbeed soomaaliya iyo DFS, oo uu ugu horeeyo Taliyaha booliska gobolka Bay Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan , Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil ka kala tirsanaa Hay’adaha amaanka dalka.
Munaasabada ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeediyay Taliyaha ciidanka daraawishta DFS,EE gobolka Bay iyo gudoomiyaha degmada baydhabo iyo Masuuliyiin kale waxa ayna dhamaantooda ku dheeraaden dhibaatada uu soo maray Booliska iyo Guulaha hadda uu gaaray Booliska Soomaaliyeed.
HALKAAN KA DAAWO MUQAALKA