Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeyay Dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan Qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye ku xigeenka kowaad iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Khudabadaha Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo shalay bilaabatay ayaa maanta la soo gaba gabeeyay, waxaana Guddoonka Baarlamaanka u sharaxanaa 22 Musharax, iyadoo Labo Musharax ay maanta tanaasuleen.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta wixii ka dambeeya isku diyaarinaya Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa, oo dhici doonta 11-ka ilaa 12-ka Bishan.
Hadaba waa kuwan Qaar ka mid ah Musharaxiinta oo khudbado jeedinaya.