Kadib markii manta wafdi ka socda hay,adda cunada aduunka WFP iyo Hay,adda UNICEF ay soo gaareen magaalada baydhabo ayaa waxaa xarunta madaxtooyada wafdigaas ku qaabiley ku simaha madaxweynaha dowlada koonfur galbeed maxamed xasan fiqi,kadib waxaa wafdiga ay kulamo la qaaten gudigga gurmadka abaaraha maamulka,gudoomiyaha gobalka bay iyo kan degmada baydhabo.
Kulanka ayaa waxaa wafdiga warbixin laga siiyey abaarta ka jirta deeganada koonfur galbeed iyo sida looga bahanyahay gurmad deg deg ah oo bulshada dhibaateysan la gaarsiyo,waxaana xubnaha ka socdey WFP iyo UNICEf ay sheegeen iney dhowaan cuna qeybin ay ka bilaabi doonaan magaalada baydhabo.
Gudoomiyaha gobalka bay crashiid claahi maxamed iyo gudoomiyaha degmada baydhabo ayaa soo dhaweyey sida hay,addahan ay uga jawaaben qaylo dhaan horey maamulka uu sameyey.
Cod
Kusmaha madaxweynaha koonfur galbeed ahna wasiirka beeraha iyo waraabka maxamed xasan fiqi ayaa sheegey in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo bulshada baarta sameysey wax ku caawineysa isagoona fafahiyey wax yaabihii kulanka lagu soo hadal qadey.
https://www.youtube.com/watch?v=9cpEN4bx65c