{warsanradio} Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshinkii laga keenay Saldhigga Milatari ee Imaaraadka uu ka dhisanayo Berbera ku wareejiyay Xukumadda federaalka Soomaaliya ee Raโiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Kulan ayaa maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayay xildhibaanadu ku sheegeen in ay muhiim tahay in la qaado tilaabo walba oo looga hortagayo Saldhigga Imaaraadka Carabta,
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku dhaliilay Guddoomiye Jawaari inuu hor-taagan yahay in la furo mooshinkan, hase ahaatee Jawaari ayaa isku isku difaacay in aanan laga doodi karin wax aan fikrad laga heyn, isla markaana ay haboon tahay in uu warqad u diro Raโisul wasaare Khayre iyo golaha wasiirrada, kana codsado in ay hor-yimaadaan baarlamaanka federaalka ah, sharaaxdna ka bixiyaan heshiiska Berbera.
Xukuumadda Raโiisul Wasaare Kheyre ayaa laga sugayaa inay jawaab cad ka keento arrintan iyo mowqifkeeda ku aadan arrinta Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera.
Madaxda dowladda ayaa la sheegayaa inay arrintan si hoose ah loogala hadlay, isla markaana ka gaabsadaan, waxaana soo baxayay shakiyo kala duwan oo ka dhashay safarkii Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.
Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Al-cusmaan Xamaadi ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday magaalada Muqdisho, galaan gal ku aadan sidii loo kala fur furi lahaa mooshinkan,ย isagoo kulamo gaar gaar la qaatay Madaxweynaha, Raโiisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Lama oga sida Xukuumadda isku furan doonto iyo hadii ay adeegsan doonto qaab kale oo farsamo ah, si ay u kala daadiso Xildhibaanada mooshinka wada, balse waa arrin caqabadeeda leh.