{WARSANRADIO}Tababarkan waxay Ardayda ku baranayeen Casharo ay ka midyihiin Sida Waqtiga loo Mareeyo, Sida Ardayga uu uga talaabi karo Caqabadaha ku hor gudban eek a hor istaagi kara dhigashada Jaamacadda, sida looga miro dhalin karo hamiga qofka ku beeran ee uu la noolyahay isla markaana lagu hanan karo libinta guusha.
Waxaa tababarkan siinayay Arddada khabiiro ka socoday Jaammacadda SIU ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho, sida Nuur Cabdi Jimcaale oo ah Tababarre Nololeed (Motovative Speaker) iyo Axmed Haaddi oo ah Madaxa Arimaha Bulshada iyo Xiriirka Caalamiga Jaamacadda.
Waxaa tabarka furitaankiisa ka soo qayba galay wakiilada Midowga Iskuulada Nadaamiga ah, Agaasimaha wWasaaradda wWaxbarashada Maamulka Koofur Galbeed, iyo Qaybaha kale Bulshada.
Waxaa furitaanka Xafladda tababarka ka hadlay Cali Caddoow oo ah Gudoomiyaha Gudiga Midoowga Iskuulada Nidaamiga Magaalada Baydhabo iyadoo uu Tababarka si rasmi ah u furay Agaasimaha Wasaaradda waxbarashada K.G Mr.Profesor Abbuu.
Khubaradan Tabarkii ay bixinayeen oo ahaa tababaro aad u soo jiitay Ardayda ayaa ahaa mid saamayn weyn ku yeeshay ardaydii iyo Maamuladii Iskuulada ka soo qayb galay tababarka, iyadoo Khabiirada mid waliba moowluucii uu ka hadlayay uu lahaa faa’idooyin xambaarsan Cilmi iyo waayo aragnimo dheeri ah iyo aqoon casri ah oo lajaan qaadaysa waqtigan Dunida ay joogto xiligan Casri ah.
Wuxuu ahaa Tababarkan midkiisa oo kale loo qabanin Ardayda, iyadoo uu ku soo aaday xili ay ay u baahnaayeen Ardayda oo ay ku jiraan jawi wal wal iyo walbahaar uu ka haystay moowluucyadii ay tababarka ku soo bandhigeen Khabeeridii bixinayay casharada.
Waxaan la iloobi Karin sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyaan Gudigii Isutaga Midowga Iskuulada Nadaamiga ah Jaamacadda Somali International University(SIU) kuwaasoo mudaddadii ay ku sugnaayeen Khabiirada Magaalada Baydhabo iyagoo Imtixaanaadkii ku guda jiray waqtigooda u huray qabashada tababarkan ilaa uu ka qabsoomay.
Sidoo kale wasiirka Waxbarashada Maamulka Koofur Galbeed Mr. Saaddaad Maxamed Nuur Cali Caliyoow oo isna si fiican u soo dhaweeyay isla markaana aqbalay oo u soo dhaweeyay qabashada Tababarkan iyadoo Maalintii Furitaanka uu kala soo qayb galay tababarka Agaasimaha Wasaaradda Professor Abbuu oo Ardaydana ku dhiiri galiyay in ay ka faa’idaystaan waqtigooda Maanta oo ay tahay waqtigii ugu mudnayd oo ku qabsan lahaayeen himilooyinkooda.
Waxaa uu ahaa Safarkii Baydhabo ay Jaamacadda SIU ku tagtay mid ku soo Idlaaday Guul iyo Yaddadiilo wanaagsan iyadoo ay ka barteen Fududeeyayaashii Tababarka in ay tahay Baydhabo Magaalo Bulshadeedu ay ku jiraan Kacaan waxbarasho oo u baahan in ay la mataanoowaan Jaamacadaha daneeynaya in ay ka saacidaan Barnaamishyada kor u qaadaya waxbarashada sare sida Jaamcadda SIU oo kale iyadoo Maamulayaasha Iskuulada qaarkood ay soo jeediyeen in Jaamacadda ay noqoto Tii ugu horaysay ee keenta Magaalada Waxbarashada Saree ee Degreega.s