{WARSANRADIO}Toban Sano kadib waxaa maamulka Gobalka Bay ee Koonfur Galbeed Howlo Burburin ah ku bilaabeen Dhismooyinka iyo Guriyaha sida Sharci darada ah uga dhisan Goobihii Dowlada ay laheyd ee Bulshada loogu adeegi jirey iyo Goobo si sharci dara ah ku dhismay tan iyo Burburkii dalka ku jirey.
Howgalkan Lagu burburinayay goobo Ganacsi oo Garashkada baaburka ka mid yihiin iyo Dukaamo ayaa waxaa u jeedada laga leeyahay maamulka ku sheegey dib usoo celinta bilicda Magaalada Baydhabo.
Waxaa hor kacayay Howlgalkan dhismooyinka sharci darada ee Magaalada ku dhisan lagu burburinayay oo cagaf cagafta la geliyey Gudoomiyaha Gobalka Bay Cali Wardheere Cabdiraxmaan Dooyow,ku xigeenkiisa iyo Madax kale,waxaana horey u jirey Degniin Maamulka Dadka u jeediyey.
Goobaha howlgaka uu ka socdey ayaa waxaa usoo daawasho yimid boqolaal bulshada Magaalada ah,waxaana Gudoomiyaha Gobalka Bay intii howlgalka socdey Saxaafada uga warbixiyey howlgalkan burburinta ah.
Cod
Mid ka mid ah Dadka Howlgalka uu saameyey islamarkaana ah milkiile Geerish la bur buriyey ayaa waxaa uu ka hadlayaa dareenkiisa waakan isagoo ka sheekeynaya.
Cod
Wakhtigii Dowladii C;aahi Yuusuf fariisin u aheyd magaalada Baydhabo ayaa hada ka hor sidan oo kale howlgal burburin ah loogu sameyey goobaha sharci darada ah wallow xiligaas Gudomiyihii howlgalkaas horkacayay Axmed maadey isxaaq Caqab is qab qabsi ka wadi waayey howshii Burburinta aheyd.