{WARSANRADIO}Maxamed Amiin Baryare Cali oo ah wiil Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay tartan orod oo caalami ah oo ka dhacay magaalada Bedford ee dalka Ingiriiska , isla markaana loo qabtay dhalinyarada ay da’doodu ka hoosayso 15-ka sano jirka.
Wiilkan yar oo soo jiitay indhaha caalamka ayaa horey ugu guulaystay orodada 800m iyo 1500m ee la qabto dhalinyarada ay isku filka yihin ,waxaana tartanka uu ku guulaystay kala qayb-galay orod-yahanno kale oo da’a yar.
Dadka indha-indheeya ciyaaraha orodka ayaa aaminsan in uu mari doono wadadii Mo Farah oo taariikh la xusi doono ka dhigay dalka Ingriiska iyo waliba caalamka ka dib markii uu ku guulaystay bilado is- xig-xigay oo caalami ah.