{WARSANRADIO}Haweenkani ka shaqeeya Nadaafada Baardheere oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 20,islamarkaana laga soo kala xuley xaafadaha Degmada Baardheere ayaa soo qaatey tababar u soconayey muddo 14 maalin ah,waxaana mudadaasi lagu barayey casharo ay ka mid yahiin sidii kor loogu qaadi laha fayadhowrka xaafadaha, mida qoyska iyo Nadaafada guud ee deegaanka.
Gebagebadii Tababarka ayaa haweenkani waxaa lagu wareejiyey Qalabkii ay ugu shaqeyn lahaayeen Nadaafada degmada,kuwaasi oo isugu jirey.Gaari dameero,Gaari gacano,Fargeetooyin,yaambooyin,Masaaro,badiilo,haaqimo,Qalabka Caafimaadka iyo noocyo kale oo alaabo ah,kuwaasi oo ayan horey u haysanin Haweenka ka shaqeeya nadaafada deegaanka
Ismaaciil Sh Cabdi Qorax(Koofi) oo ah G/Ku xigeenka Maamulka degmada Baardheere ayaa sheegay Qalabkani maanta la gudoonsiiyey haweenkan ka shaqeeya nadaafada inuu wax weyn ka tari doono sidii wax looga qaban lahaa nadaafad darida ka jirta deeganka,Isagoona u mahad celiyey hay,adii gacanta ka gaysatey Taabo gelinta mashruucan oo ka mid ahaa Mashaariicda wejiga labaad ee ka soconaya degmada,waxaana dhinaca kale uu ugu baaqey haweenkan in ay Qashinka ku shubaan Labada Goobood ee loo diyaariyey ee ku kala yaala duleedka Baardheere.
Sidoo kale Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baardheere ayaa sheegtay talaabadani wax looga qabanayo Nadaafada deegaanka in wax weyn ay ka tareyso Caafimaadka,saxada iyo weliba horomarka degmada ,waxayna sheegtay Tababarka loo qabtey haweenka iyo Qalabka la gudoonsiiyey inuu ka qeyb qaadan doono soo celinta Bilicda Magaalada,maadama dhib badan ay ku qabeen helitaanka qalabka looga shaqeyn lahaa nadaafada.
Talaabadani oo si weyn u soo dhaweeyen dadweynaha ku dhaqan Baardheere ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee lagu xoojinayo wax ka qabashada nadaafada deegaanka,waxayna ku soo beegmaysaa xilli maamulka degmada Baardheere bilahii ugu dambeeyey uu la daala dhacayey Nadaafada deegaanka