{WARSANRADIO}Guddoomiyaha xilka ka degaya ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goor dhow bilaabay khudbadiisa istiqaalada, isagoo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka.
Jawaari ayaa sheegay in maanta aysan jirin qof ama koox guuleysatay ama laga guuleystay, isagoo ka dhawaajiyay in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysteen, iyo sarreynta sharciga.
Khudbaddiisa oo si toos looga daawanayay Telefishinada qaar ayaa waxaa uu uga hadlayaa waxqabadkiisa, mudadii 5-tii sano ee uu xilka hayay, waxaana markii uu khudbada bilaabay is qabsaday sacab.
Halkan hoose ka Dhageyso akhriso khudbada Jawaari oo qoraal ah:-