Qala laasooyinkii siyaasadeed ee kgs ka dhacay oo u mooqdey in la xaliyey kaliyana ay har saneyd in lasoo daayo mukhtaar roobow cali abuu mansuur oo xarigiisii 13 kii desember 2018ka baydhabo ugu geysteen ciidamada amisom qeybta 3 aad ee dowlada itoobiya ayaa saluug laga muujineyaa sida ay ku sheegeen shir jaraa’id qaar ka tirsan taageeriyaashiisa .
Horaantii sanadkan ayey aheyd markii uu soo xirmey wajigii 1 aad shir dib u heshiisiin ah oo uu gar wadeen ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka fadaraalka soomaliya maxamed mursal sheikh c/raxmaan kaa soo uu ugu sheegey gudoomiyaha baarlamaanka kulankaasi bulshada kgs odiyaashooda in siideynta sheikh mukhtaar roobow uu isaga xil gaar ah iska saari doono isagoo kaa shaneya madaxweynaha kgs hadii ay dhici weydana kuraasta ay ku fadhiyaan aysan waxba aheyn .
Yuusuf xasan mursal oo siyaasiyiinta kgs ka tirsan ayaa shirka jaraa’id ka akhriyey bayaan ay ku dalbaneyaan sii deynta sheikh mukhtaar roobow oo u dhiknaa sida tan .
90 maalmood ayaa laga joogaa xiligii la qabtey mukhtaar roobow walina ma helin xuryadiisa in kastoo wada xaajood jiro hadana sii heyntiisa ayaa ah mid ragaadka ku sii fogeyneysa soo afjarida xasaradihii xarigiisa ka oogmey iyo baa’binta raadkeeda .