Baydhabo Soomaaliya-{WMN]-Kulankani uu daahfuray Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowlad Gobolaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka Xoolaha, waxaana ka soo qayb galay ganacsato, dhaqaatiir iyo hay’ado ka shaqeeya arimaha Xoolaha.
Daahfurka wadatashiga waxaa hadalo kooban oo furitaan ah ka jeediyay wasiirka Xanaanada xoolaha Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ka soo qeyb galayaasha u bidhaamiyey kulanka iyo waxyaabaha diiradda lagu saarayo inta uu socdo isla markaana ku dhiiri geliyey in soo bandhigaan fikrado waxtar u leh kobcinta wax soorka xoolaha.
Bulshada ku nool KGS ayaa inteeda badan waxaa ay tahay xoola dhaqato noloshoodana ay ku tiirsantahay dhaqashada Xoolaha ayaa wasaaradda iyadoo ka duulaysa taas wadatashigan waxaa ay uga danleedahay aruurinta talooyinka xoolalayda, ganacsatada Xoolaha iyo dhaqaatiirtaba kobcinta wax soo saarka xoolaha iyadoo wasaaradda leedahay hiigsi iyo qorshayaal isdaba yaala oo idilkood yihiin kuwo isbadal muuqda iyo guul dhow laga keeni karo sida qorshaha wasaaradu yahay.
“isbadalka kobcinta wax soo saarka Xoolaha waa furaha koowaad iyo tiigsiga wasaaradda si nacfiga Xoolaha u noqdo kan ugu badan ee bulshada dhaqaalaheeda iyo nolosheeda wax looga badeli karo”. Sidaana waxaa yiri Wasiirka Xannaanada Xoolaha DGKGS, Mukhtaar Maxamed Guuleed.
Wadatashigan oo ay sidoo kale ka muuqdeen wasiirada wasaaradaha Ganacsiga iyo Caddaaladda ayaa la filaya marka uu soo idlaado in ay ka soo baxaan talooyin u sahli kara wasaaradda Xannaanada Xoolaha wadiiqo xoola dhaqatada Deegaanada KGS dhammaantood anfacda wax soo saarka xoolahana kor u qaadi karta mustaqbal dhow iyo kan fog.