Baydhabo Soomaaliya-[WMN]-Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in la filayo wafdi ka socda dowladda Itoobiya ay maalmaha soo socda tagi doonaan, iyagoo kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Sida wararku sheegayaan Itoobiya ayaa la sheegay inay qorsheyneyso faragelin ku aadan arrimaha doorashooyinka Jubbaland.
Waxaa horay u jiray martiqaad dowladda Itoobiya ay u fidisay Axmed Madoobe, si ay isugu arkaan Addis Ababa ama Nairobi, balse Axmed Madoobe ayaa codsaday inay yimaadaan Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga ka socda Itoobiya ay u badan yihiin Saraakiil ciidan, iyagoo doonaya inay kala hadlaan Madaxweynaha Jubbaland arrimaha ammaanka doorashooyinka sidoo kale uu jiro qorshe cadaadis ah oo aan la ogeyn nuuca uu yahay.
Inkastoo howlaha doorashooyinka Jubbaland uu marxalado kala duwan soo maray ayaa la ogeyn dhaq dhaqaaqyada soo kordhay ee Itoobiya wado inuu la mid noqon doono iyo in kale dhacdooyinkii dhamaadkii sanadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo.