Wefdigaan maanta soo gaarey magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay waxaa horkacayey wasiirka wasaarada boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DFS cabdi canshuur cali.
Waxaana magaalada baydhabo siweyn uga soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha wasiirada DGKS oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DGKS max’ednor shiikh cade.
Waxayna ujeedada sicdaalkan magaalada baydhabo ay tahay si ay uga qeyb galaan shir looga hadlayo arimaha isgaarsiinta oo maalinta berito ka furmi doona magaalada baydhabo.
Max’ednor shiikh cade wasiirka wasaarada boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DGKS ayaa ugu horeyn ka hadlaya soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey xubnaha wefdigaan ee ka socday DFS.
cabdi canshuur cali wasiirka wasaarada boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DFS ayaa dhankiisa ka hadlay ujeedada socdaal kooda magaalada baydhabo.
shirkaan la qorsheynaayo in maalinta berito uu ka furmo magaalada baydhabo wuxuu daba socdaa shir sanadkii hore ka dhacay magaalada muqdisho oo looga hadlayey arimaha isgaarsiinta dalka kaasi oo ka soo qeyb galeen dhamaan wasiirada maamul goboleed yada dalka.