Baydhabo Somaliya-{WMN}-Waxaa xilkii la wareegay gudoomiyaha cusub ee Degmada Baydhabo iyo ku xigeenadiisa kadib markii munaasabad xilwareejin ah ay ka dhacday gudaha madaxtooyada KGS, taasoo ay ka soo qeygaleen kusimaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha BKGS mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhunnaa Maye, wasiiro, xildhibaano ka tirsan labad gole KGS, odayaasha dhaqanka ganacsato iyo qaybaha ururada Bulshada Baydhabo.
Malaaq Maxamuud Maxamed Cabdi oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa maamulka cusub mar uu soo dhaweynayey kan tegayana sagootinayey kula dardaarmay in marwalba maamulka ku dadaalo caddaaladda iyo ka shaqaynta arimaha bulshada si kor loogu qaado heerka nolosha dadka ee inta badan ku xiran daaqa iyo tacabka.
Xildhibaan Black oo ka tirsan mudanayaasha BKGS ayaa oo isna ka hadlay xafladda xilwareejinta waxaa uu sheegay in xil wareejinta qofna laga qaado qofna loo dhiibo tahay astaanta dowladnimada,
Gudoomiyaha xilka wareejinayey Cabdulaahi Cali Watiin ayaa markii uu jeediniyey khudbaddiisa sagootinta waxaa uu ku dheeraaday mudadii uu degmada maamulayeey waxqabadkiisa halka uu ka soo qaaday iyo halka ay uu keenay.
Xasan macalin Axmed Biikole, gudoomiyaha cusub ee xilka lagu wareejinayey ayaa isna mar uu kalkiisa qaatay hadalka waxaa uu carabka ku adkeeyey in uu ka shaqayn doono amaanka iyo kala danbaynta iyo u hogaansanaanta awaamiirta dowladda.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhunnaa Maye, ayaa ayaa tilmaamay in uu xilka yahay meerto midna uu ka dego midna uu qab to, waxa loo baahanyahayna ay tahay in marwalba loo shaqeeyo bulshada si loo helo bulsho hogaan leh ooh al u jeedo leh.
Waa markii 5aad gudoomiyaha xilka la wareegay Xasan Macalin Axmed Biikole, iyadoo markii uga danbaysay ee xilka uu ka tegayey ku wareejiyaey Cabdulaahi Cali Watiin oo isna uu markale Biikole oo dib loo soo magacaabay uu ku wareejiyey.