Cabdinaasir Caalim Ibraahim, waa Gudoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa uu Idaacada Warsan uga warbixiyey shir u soo idlaadey Gudoomiyaasha Degmooyinka KGS, oo Garwadeen ka aheyd Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka KGS, kaa soo Ka socdey Magaalada Baydhabo oo Xarun ku meel gaar u ah Mamulka KGS .
Gudoomiyaha ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ugu muhiimsana ee Shirka looga hadlaayey iyo araktidiisa waxyaabaha uu ka bartey Shirka maalmaha uu socdey .
Waxaa uu dhanka kale uu sheegey Gudoomiye Caalimow ,in Degmada afgooye haatan baahiyo fara badan ay ka jiraan. Sida Cisbitaalka degmada oo waqtigan ku dhow in ay u xirmaan sababo la xiriira mushaar la’aan heysata Shaqaalaha Cisbitaalka.
Waxaa kale uu gudoomiyaha sheegey in Wadooyinka degmada ay burbursanyihiin iyo musuq baahsan oo ka jira kuwaaso u baahan hagaajin si Dowladaha Hoose ee maamulka gobolka shabeelaha hoose iyo degmooyinkisa u gutaan shaqooyinkooda taasoo uu ka codsadey Wasiirka arimaha gudaha KGS, iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose in arintaasi ay wax ka qabtaan .
Ugu dambeyn waxaa uu u mahadceliyey dhammaan Gudoomiyaashii ka kala yimid Degmooyinka KGS, oo isbarasho dhexmartey iyo sida quruxda badan ee Baydhabo loogu soo dhaweeyey ,