Baydhabo Somaliya-{WMN}-Kadib markii ay warbaahinta ay baahisay dhibaatada roobabkii ka da’ay Baydhabo ay ku yesheen barkacyaasha kuwii horey u joogay iyo kuwa dhawaan yimid oo isku si ay u taabadatay biyo dhigga iyo daadadka roobabka xili roobku bilow yahay ayaa baqooda waxaa markii ugu horeysay ka jawaabay dhalinyarada ku bohooway ururka DEDO oo ka shaqeyaa arimaha degaanka, kadib markii ay dad ku nool dalka Maraykanka.
Ilaa iyo 50 qoys oo kamid ah barkacyaasha ayey DEDO gaar siisay cc laga daboosho tasoo bilow u ah barkacyaasha aan heysanin cid u danqata oo kasaarta xaalada ay kusugan yihiin haddii ay ahaan leheyd dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo.
Maxamed Abuukar Iyo Yuusuf warsame oo kala ah gudoomiyaha iyo madaxa qorsheynta ururka DEDO, oo horkacaayay deeqdaan iskugu jirtay bacaha roobka iyo bustooyin dhaxanta oo warbaahinta kulahadlay ayaa waxaa ay kahadleen dhibaatada heysata.
Qaar kamid ah barkacyaashaan deeqda lagaarsiyay ayaa uga mahadceliyay dhalinyaradaan soo gaarsiisay gar gaar kaani xiligaani xasaasiga ah oo daruuraha roobkuna wali dul hoganayaan.
Barakacayaashan wali kama helin wax jawaab ah mas;uuliyiinta kala duwan ee KGS, iyo hey’adaha ka shaqeeya gargaarka kuwaasoo inta badan marka ay ka qeeb galayaan shirarka sheega in ay hayaan hoowlo gargaar oo aan la garanaynin kuwa ay siyaan iyadoo daka gudaha ku soo barakacay ee ay ku halqabsadaan ay yihiin kuwaan xaalkooda sidan yahay.