Baydhabo Somaliya-{WMN}-Maalmo howlo shaqo uga maqnaa Magaalada Caasimada ee Muqdisho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdiasis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa dib ugu soo laabtey xarunta KMG ah Maamulka ee Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Cabdiasiis iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha shaati-gaduud Airport kusoo dhaweyey Gudoomiyaha Barlamaanka Cabdulqadir shariif Sheekhuna,Wasiiro,Xildhibaano,saraakiil ciidan iyo qaar ka mid ah bulshada xaafadaha.
Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Koonfur waxaa uu ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashey fatahaadyada warbiga Shabelle uu ka geystey Magaalada Baydhabo iyo Daadad xoogan oo qasaaro iyo barakac sabayay eek u dhiftey qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed.
Maalmihii uu joogey Magaalada Muqdisho Madaxweynaha ayaa sheegey in madaxda saree e dalka uu kala soo Hadley sidii wax looga qaban lahaa qoysaska roobabka saameeyey,isagoona xusey in dhowaan Gudigga dhowaan ray,iisul wasaaraha magacaabay soo gaari doonaan Magaalada Baydhabo.
Koonfur Galbeed ayaa roobabka dayrta ee curtay si xoogan uga dayeen,iyadoona Kumanaan dad ah oo daadad ku rugmadey Degmada Batrdaale ee gobalka Bay ay barakaceen,halka Magaalada Baydhabo roobabkii ka da,ay saameeyn barakacyasha abaarihii kasoo barakacay.