Muqdisho, Arbaco, October 30, 2019—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudaneΒ Xasan Cali KhayreΒ ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.
Mudane Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo heyβadaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leesaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.
Raβiisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburiyeen kaabayaal dhaqaale, ugana sii dareen xaaladii biniβaadninimo ee horay u taagneyd, lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah.
Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan.