Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani ee Somaliland Khadar Xuseen Cabdi & Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun ayaa Caawa lagu xiray Magaalada Hargeysa.
Afhayeenka oo caawa fiidkii ka hadlayay shir jaraa’id ayaa markuu dhameystay kadib Xabsiga loo taxaabay, wuxuuna sheegay iney Dowladda Ciidamo geysay Xarunta Xisbiga.
Xoghayihii guud ee xisbiga mucaaradka ee Wadani Khadar Xuseen ayaa gaaray saldhigga booliska ee lagu xirey afhayeenka xisbiga Barkhad hase yeeshee ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Khadar markii uu gaaray saldhiga booliska.
Wararkii u dambeeyay ee magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in laga dareemayo magaalada xiisad ka dhalatay banaanbax uu ku baaqay hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro.Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ayaa mamnuucay in banaanbax ay ka dhigaan taageerayaasha xisbiga Wadani magaalada Hargeysa maalinta berri ah.
Ciidamo badan ayaa la dhigay wadooyinka magaalada Hargeysa gaar ahaan nawaaxiga xarunta xisbiga Wadani.
Xiisadan ayaa ka dhalatay kadib markii uu guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah maamulka Somaliland ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ugu baaqay taageerayaasha xisbiga ee gobolka Maroodi-jeex inay isugu yimaadaan berri 8da subaxnimo xarunta xisbiga ee magalada Hargeysa.
Guddoomiye Cirro ayaa ku tilmaamay isu imaatinka inuu yahay mid loogu sheegayo taageerayaashiisa fariimo muhiim ah oo qaranka lagu badbaadinayo.
Hase yeeshee Duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan, Maxamud Ceydiid oo ka hadlay banaanbaxan lagu baaqay ayaa ku tilmaamay sharci darro.
“Shacabka sida ay ku nool yihiin kama warqabo guddoomiye Cirro,markaad isugu yeereyso waa in sharci loo maro,wixii xisbiyada isku haystaan shaqo kuma lihin,guddoomiyaha isagaa qaadi doono wixii ka dhaca magaalada Hargeysa,”ayuu yiri duqa Hargeysa.
Duqa Hargeysa ayaa ugu baaqay shacaba Hargeysa inay howlahooda caadiga ah wataan.
Xiisdan ayaa dadka ka faalooda arrimaha Somaliland waxa ay ku tilmaameen inay ka dhalatay kadib markii toddobaadkii la soo dhaafay la ansixiyay lix xubnood oo ka mid ah guddiga doorashoyinka Somaliland. Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday oo ku tilmaamay sharci darro xubnaha la ansixiyay.