Baydhabo Somaliya-{WMN}-Inkastoo ay Xaalad kacsanaan ka jirta Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kadib markii uu ka biyo diiday gudoomiyihii hore ee degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur ShigshigoowΒ in uu xilka ku weerejiyo gudoomiye cusub ee ay wasaaradda arimaha gudaha dhowaan dakareeto ka soo baxday ay ku maga caawday Cabdisalaan Xaaji Siidoow. Waxaa jira isku dhac ka dhacay degmada Diinsoor oo dhex maray ciidamo daacad u ah gudoomiyii la bedelay iyo ciidanka amniga Degmada kaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac tiradooda la xaqiijinin.
Diinsoor iminka waxaa ku sugan wasiiro ka tirsan Maamulka KGS, oo ay ka mid yihiin Wasiirka arimaha gudaha, wasiirka Amniga iyo Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda KGS, kuwaasoo u tehgay DegmadaΒ in ay Gudoomiyaha Cusub ku wareejiyaan xilka kii horana ka wareejiyaan, hayeeshee waxaa ay noqotay in ay uu gudoomiye Shigshigoow ka horyimid oo xilwareejinta diidayna in uu xilka wareejiyo.
Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor ayaa ka baxay magaalada isagoo wata ciidan iyo gawaari tikniko ah waxaana xaruntii degmada Diinsoor ku sugan gudoomiyaha cusub iyo wasiirada KGS, iyadoona magaalada ay tahay mid deggan oo amaanka magaalada la wareegeen ciidamada Maamulka KGS, oo kaashanaya ciidamada AMISOm kuwaasoo ku roondeeynaya gudaha iyo daafaha Magaalada Diinsoor.