Baydhabo(WMN)_Kadib markii maalmo kahor uu madaxweynaha kgs uu sheegay in xulista xildhibaanada maamulkiisa ay uraaci doonaan sida ku qoran dastuurka dowlad goboleedka oo sheegaya in baarlamaanka uu ka koobnaadoono 95 mudanee, halka uu horey u ahaa 149 mudane taas oo dhalisay in ay muran ka keenaan odoyaasha dhaqanka oo mudo maalmo ah kulamo ugu socday magaalada baydhabo ka ganaarin sanayen qaabka loo soo xulayo barlamaanka dowlad goboleedka kg ayaa kulankaas markuu soo dhamaaday waxaa waraysi gaar ah la yeelanay afayeenka malaaqyada kg maxamed yacquub deerow oo sheegay in ay xal ka gaareen qaabka xulista baarlamaanka cusub oo odayaasha muran geliyeen maalmihii lasoo dhaafay wuxuuna tilmaamay in isku afgarteen in ay raacaan sida dastuurka ku qoran.
Inkastoo malaaq deerow uu sheegay in ay isku raaceen sida dastuurka ku qoran yahay ayaa hadana wuxuu shaki geliyey in ay odayaasha ay ku qanacsan yihiin qaabka xulista baarlamaanka cusub ee baarlamaanka koonfur galbeed soomaaliya
Muranka ay odayaasha dhaqanka koonfur galbeed ka keeneen nidaamka loo marayo xulista xildhibaanada ayaa shaki gelinkarta in dib udhac uu ku yimaado xulista baarlamanka cusub ee koonfur galbeed soomaaliya