Baydhabo(WMN)_Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee qeybta 60 aad Jenaral Mohamed Sheekh Abdullahi oo howlo shaqo ugu maqanaa Mudo isbuubac Degmada Xudur ee xarunta gobolka bakool ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka bay.
Waxaana taliyaha garoonka Diyaaradaha ee shaati gaduud ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan qeybta 60 aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliya.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa Degmada Xuddur mudo isbuuca ujoogey sidii uu u soo qiimeyn lahaa Xaladaha ay kushaqeyaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaliya Iyo sida gobolka Bakool ay u godoomiyeen kooxda Al shabaab iyadoona godoonkaanusaaran yahay gobolka bakool muddo sanado ah,waxaana sameyn ku yeeshay horumarada degmooyinka iyo dhamaan shacabka kunool degmooyinka ay ka kooban yihiin gobolka bakool.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janeraal Mohamed Sheekh Abdullahi aya sheegey in dhawaan Guud ahaan deeganada KG ka bilaaban donaan Howlgalo ka dhan ah Al-Shabab, wuxuuna ciidamada ku dhiira galiyay inay yihiin kuwii u dhaartay shacabkooda inay ka dulqadaan dhibaato kasta ay ku jiraan iyo in ay yihiin kuwii maalin iyo habeen ku nasanlahayeen shacabkooda.
Halka Hoose Ka Daawo Sawirada: