Baydhabo(WMN)_Shir oo ay ka qeyb galayeen Wasiirada Wasaaradaha KG iyo agaasimiyaasha ayaa waxaa uu ka dhacay hoolka Wasaaradda Qorsheynta. Shirkaan oo ahaa shir wadatashi oo ku saabsan qorista Qorshaha Horumarinta KG (Southwest Strategic Plan) ayaa waxaa shir gudoominayey wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow Maxamed (Axmed Baashi).
Shirka wadatashiga qorista Qorshaha Horumarinta KG ayaa lagu dajin doona qorshaha shanta sanno ee soo socta (2020-2024).
Wasiir Axmed Madoobe Nuunow Maxamed (Axmed Baashi) oo daahfurey shirka ayaa waxaa uu ka sheegay in wadatashi laga sameyn doono qorista qorshaha horumarinta koonfur galbeed taasi oo maanta laga bilaabay golaha wasiiradda kadibna loo gudbi doono degmo ilaa bulshada oo dhan si loo helo xog ku saabsan baahida dhabta ah ee KG.
Shirkaan inta socday ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey wasiiradda ka qeybgalay ayagoona sheegay inay tahay marxaalad waqtigeedda la joogo loona baahan yahay in la dedejiyo qorista qorshaha shanta sanno ee soo socota.
Wasiirada ayaa sidoo kale waxaa ay shegeen in arintaani wax badan ay ka tari doonto waxyaabah ay kajiraan gobolada koonfur galbeed gaar ahaan bulshada xiligaani ku dhibaataysan degmooyinka iyo meelaha kale.
Iyadoo wasaradda Qorsheynta Dowlad Goboleedka KG ay ka Duuleyso Sidii loo soo saari lahaa Qorshihii Shanta Sano lagu horumarin lahaa Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow Maxamed (Axmed Baashi) ayaa Wasiirka wasaradda qorsheynta Dowlad Goboleedka KG oo Shirka Soo xirey ayaa Wasiirada Ku booriyay in ay soo gudbiyaan Qorshiyaasha ay ku shaqeyneyaan si loo helo Dukuminti wanaagsan ee ka turjumeya Horumarka Kgs.
Halka Hoose Kadaawo Sawirada: