Baydhabo(WMN)_wasiirka wasaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka KGS Mudane Ali Dhux Maxamed ayaa caawa Deeq gaarsiiyay Ciidamada Booliska KG ee ku sugan Barkantaroolada laga soo galo Magaalada Iyo Saldhigyada Booliska ay ku leeyihiin Xafadaha Badhabo.
Waxana Deeqda La gaarsiiyay isgu jirtaa Busto ,mara kaneeco , iyo Bac ah Roobka laga galo. Waxana Kormeerka iyo gaarsiinta Deeqda Ciidanka Booliska wasiirka Ku wahelinaayay Taliyasha Ciidanka Booliska Koonfur galbeed Iyo Guddomiye kuxigeenkii hore Degmada Baydhabo iyo saraakiil kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Kgs Gaashanle Sare Mohamed ibdow Ibrow ayaa Wasaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Kgs ugu mahadceliyay Deeqda maanta ay soo gaarsiiyeen Ciidanka Booliska Kgs dhanka kale Taliyaha ayaa waxaa uu baaq udirey guud ahan Shacab weynha KGS in ay Ciidanka Booliska Kala shaqeyaan sugida Aamnka.
Wasiirka wasaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DGKGS Mudane Ali Dhux Mohamed ayaa ka hadley Deeqda maanta uu soo gaarsiyay Ciidanka Booliska Kgs oo habeen iyo Maalin utaagan Sugida Amaanka waxana baaq udirey Wasiirada Dowlad Goboleedka KGs in ay mar waliba ay il gooni ah ula hadaan Ciidanka Booliska Kgs Wuxuna Sheegay in wasaradda Dhalinyarada iyo Cayaraha KGS Mar waliba ay diyaar u tahayv sii Gacan usiin lahayeen Booliska KGS.