Xudur(WMN)_Ilaa 7 caruur ah ayaa caano ay cabeen ku sumoobay ayaa la jiifiyay Isbitaalka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool sidda ay sheegeen Mas’uuliyiinta degaanka.
Carruurtaan ayaa dhammaantood kasoo jeedda Hal Qoys, waxaana ay cabeen Caano ka dibna waxaa kusoo booday Shuban.
Aabaha dhalay Carruurta ayaa Warbaahinta u sheegay in labo ka mid ah Carruurta Xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato.
Mid ka mid ah Dhaqtiirka Isbitaalka degmada Xudur ayaa sheegay in ay aad ula tacaleen dadka dhiban,islamarkaana hadda Shan ka mid ah Xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay, labaddana ay wali ay waddaan dadaallo lagula tacaalaayo.