Madaxweynaha Ruushka Viladmry Puttin ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu ku guuleystay in uu soo saaro dawo lagu dabiibi karo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus.
Puttin waxa uu sheegay in dadka la xanuunsanaya COVID-19 ee ku nool gudaha Ruushka lasiin dono dawadan cusub ee lasoo saaray.
Dhinaca kale waxaa sii kordheysa dadka uu soo ridanayo xanuunka Coronavirus, guud ahaan dunida, waxayna heyβadda caafimaadka adduunka ee WHO sheegtay inay aad ugu walacsantahay sida xowliga ah ee cudurkan uu dunida ugu sii faafayo weli.
Guud ahaa dadka laga helay COVID-19 dunida waxa ay gaartay 20 Miilion oo qof, iyadoo maanta oo qura ay qaadeen xanuunkaas 27,000 oo qof, dhimashada uu sababay cudurkaas caalamka oo dhan ayaa gaartay 735,000 oo ruux.
Sidoo kale 12.2 Millin oo qof ayaa ka soo bogsatay cudurka Coronavirus, sida laga soo xigtay baaritaan ay sameysay Jaamacada Hopkins University.