Muqdisho, Khamiis, Deseembar 12, 2019— Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.
Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka heyβadaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.
Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Raβiisul WasaareΒ Xasan Cali KhayreΒ oo guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo Gardafuu oo ay daadadku saameeyeen.
Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyay weerarkii hotelka SYL, waxaana Golaha wasiirradu ay dhankooda bogaadiyeen dadaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesinimada lahaa ee ciidamdu ku badbaadiyeen dadka shacabka ah.