Dhammaan dowladaha daneeya horumarinta Jubbaland iyo qaramada midoobey, waxaan aad ugu faraxsanahay in aan soo gaarno Kismaayo Jubbaland iyadoo ay safarka nagu wehliyaan xubno sarsare oo ka tirsan BFS.
ujeedkeenuna waa dhamayn khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo DFS. Waxaan kawada hadalnay arimo muhiim ah oo khuseeya doorashooyinka lagu wada in ay ka qabsoomaan dalka 2020-2021, dib u habaynta dastuurka. In horay loo sii wado dadaalada lagu doonayo in lagu adkaynayo nabadda loona midoobo la dagaalanka Al-Shabaab, in la caawiyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay fatahaadii uu sameeyey Wabiga Jubba sidoo loo guntado horumarinta dalka.
Waxaan ka fa’idaysanay wadatashigii aan la yeelanay qeybaha kala duwan sida, hogaamiyayaasha siyaasadda,hay’adaha, bulshada rayidka, cuqaasha, dhalinyarada, odayaasha iyo inta kale.
Waxaan sidoo kale maanka ku haynaa in ay jiraan xaalado siyaasadeed oo aan wali la xalin, waxaan sidoo kale booqashadeenii Jubbaland noo sahashay in ogaano aragtida kuwa talada ay ka go’do kuwaasoo aan kala xiriirnay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya Muqadisho iyo Kismaayo.