Idaacada Warsan oo laga dhageysto FM Baydhabo iyo deegaanada Hoos yimaada, S.W.U iyo Live Streem oo Caalamka oo idil Aad ka dageysan kartaan ayaa haatan waxey soo kor dhisey Tv online ah kaasoo Bulshada kala socon karaan Baraha bulshada ,
Tvga cusub ee Warsan tv waxaa dhawaan si toos ah uu usoo gali doonaa hawada waxaana loogu tala galey bulshada soomaaliyeed iney ka daawadaan Waxyaabaha ay waqtigaan u baahan yihiin
Barnaamijka Bandhiga raadiyaha oo Qadka telfoonka loogu furey Dhageystiyaasha idaacada aya soo dhaweeyey tvga cusub ee warsan tv iyagoo ku tilmaamey hormar ay sameysey Warbaahinta warsan Fadhigeeda Baydhabo .
Waxeyna Codsadeen in loo soo Kordhiyo Barnaamijyo cusub wax tarna u leh Shacabka Soomaaliyeed.
Soo Kordhinta Tvga Warsan Waxaa Ka dambeeyey Maamulka Warbaahinta warsan iyo Khuburo is kaashadey Marka sida tooska uu hawada u soo galena waxaa Ka bixi doono Wax ka duwan Waxyaabaha waqtigaan ka baxa tvyada soomaaliyeed kuwasoo Noqon doona Kuwo Wax tar u leh Bulshada Ku taxnaan doonta TVga Warsan .