Sanadkii aynu soo dhaafney 2019 Waxaa Doorasho ka dhacdey Magaalada Baydhabo codka lagu siiyey Malaaqa Guud ee Hogaamin doono Beel weynta Garwaale oo loo doortey Maxamed ibraahim Cali Dhegey taasoo ay ka qeyb galeen odiyaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanada dhalinyarada iyo siyaasiinta Beesha garwaale .
Doorashadaas waxaa soo dhaweeyey madaxda maamulka kgs oo ugu horeeyo M/weynaha maamulka KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagren Waxaana dikreeto Aqoonsi ah kasoo Baxdey Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Maamulka KGS .
Shamso Aadan Garwaal oo ka mid ah haweenka beesha waxaa ay wareysi siisey idaacada Warsan Waxeyna taageero iyo Hambaliyo u dirtey malaaq Maxamed ibraahim Cali dhagey iyadoo hogaankan ku timaantey mid karti iyo Awood u leh Hogaaminta meesha garwaale .
Dhinaca kale Shamso oo sii hadleysa waxaa ay Baaq u dirtey dhamaan Shacab weynaha kgs Gaar ahaan Beel Weynta Garwaale iyadoo ka codsatey in ay la shaqeeyaan malaaq Maxamed Ibraahim Cali dhagey kasoo noqdey Malaaq la doortey isla markaasna Dowlada KGS ay Aqoonsatey.