Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku qaabilay xarunta madaxtooyada Soomaaliya masuuliyin ka socda saxaafada oo ay horkacayeen hogaanka Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa kulanka ka sheegay sida sharciga saxaafada ee uu meel mariyay aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka uu baal marsan yahay dastuurka dalka, ayadoo yahay halis sharci oo saxaafada Soomaaliya soo wajahday.
โSharcigan waxaa loogu talagalay in lagu afqabto suxufiyiinta, lagu xakameeyo xarumaha warbaahinta iyo looguna yeelo dambiyo saxaafada xorta ah ee ka howlgasha dalkaโ ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan.
Sharcigan waxaa uu ku qasabayaa in ay saxafiyiinta iska diiwaan geliyaan hayโad dowladeed, waxaa uu qeexayaa qofka noqon karo suxufi ama sida qofka suxufiga ku heli karo kaarka suxufinimo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay mar waliba ka goโan tahay dhowrista xuquuqda Suxufiyiinta iyo xoriyadooda, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu si fiican u eegi doono cabashooyinka ay NUSOJ soo gudbisay ee ku aadan sharcigan.
Saxaafada ka howl gasha magaalada Muqdisho ayaa ka nasatay labadii sano ee lasoo dhaafay dhibaateynta iyo caburinta ay horey ugu barteen dowladihii hore.