Li Wenliang, oo ah dhakhtar caafimaad isla markaana ka mid ahaa sideeddii qof ee ugu horreeyay ee dadweynaha uga diga cudurka coronavirus-ka, ayaa u dhintay xalay fiidkii cudurkaas, taasoo dhalisay carro wadareed iyo murugo laga arkay warbaahinta bulshada ee Shiinaha.
Waxaa loo heystaa inuu yahay geesi qaran, Dr Li waxaa xirtay booliska Wuhan markii uu faafiyay xanta cudurkaan horaantii bishii hore.
Wuxuu uga digay ardayda ay isku fasalka yihiin, isagoo u diray fariin khaas ah oo uu mariyay barta WeChat’ farriintaas oo macnaheedu ahaa fayras ku faafaya Wuhan.
Li Wenliang, wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee cudurka lala xidhiidhiyay, ka dib markii uu daweeyay bukaan wakhtigaas aan ka warqabin in waxa uu qabay uu ahaa fayraska dilaaga ah.
Warka geeridiisa ayaa yimid 9:30 pm waqtiga maxalliga ah maalintii Khamiista shalay, kadib markii saaxiibkiis Dr Li uu sheegay inuu ku dhintay qaybta daryeelka degdegga ah.
Global Times, oo ah warbaahinta dawladda Shiinaha ee afka-Ingiriisiga ku hadasha, ayaa markii ugu horreysay ka warbixisay sheekada geerida Li Wenliang.
Dhimashadiisa ayaa si dhakhso ah u noqotay mawduuca ugu hadal heynta badan baraha WeChat iyo Weibo, oo ah labada shabakadood ee warbaahinta bulshada ugu weyn Shiinaha.
Iyadoo laga jawaabayo geerida dhakhtarka, hay’adda la dagaallanka musuqmaasuqa ee Shiinaha, guddiga kormeerka qaran, ayaa jimcaha maanta ah shaaciyay inay koox u dirayaan Huway si ay u sameeyaan baaritaan buuxa.
Dhimashada Dr Li ayaa sii kicisay quluubta dadka Shiinaha oo welwel xoogan ka qabay cudurkaan oo ilaa iyo hadda ay ku dhinteen ugu yaraan 636 qof isla markaana uu ku dhacay 31,161 kale.
Goor hore Arbacadii, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu sheegay in tirada kiisaska cusub ee la xaqiijiyay ee loo yaqaan ‘coronavirus’ ay hoos u dhacday markii ugu horreysay tan iyo markii uu cudurka dillaacay.
Dawladda Shiinaha, gaar ahaan hoggaanka maxalliga ah, ayaa dadweynaha kala kulmay dhalleecayn ballaaran oo ku aaddan sida ay wax uga qabteen cudurka dillaacay.