Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha koonfur galbeed ย ayaa maanta qalab cayaareed ku wareejisay 12 Koox ee kubadda cagta ah ee ka dhisan Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Kooxahan ayaa 6 kamid ah ahaa Heerka Koowaad ( Seria A) halka 6-da kalena ahaayeen Heerka Labaad ( Seria B).
Munaasabad ย kooban oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Dr Waberi Stadium ayaa qalabkaasi loogu wareejiyay kabtabnada kooxaha 12-ka ah. Isla maanta ayaa degmada Xudur lagu daahfuray Horyaal loogu magic daray Koobka Dhiirigelinta Nabadda.
Naadiyada ka dhisan degmada Xudur ayaa aad ugu farxay una soo dhoweeyay dadaalka ay Wasaaraddu dib ugu soo celineyso kaalintii Degmada Xudur iyo Guud ahaan Gobolka Bakool ku lahaa Cayaaraha Kala duwan ee Dalka Soomaaliya lagu qaban jiray.
Halka hoose ka daawo sawirada.