Baydhabo(WMN)= Shir laba maalmood qaatay oo ay ku kulansanaayeen wasaarada xannaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda dhexe ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Baydhabo iyadoona laga soo saaray war-murtoyeed.
Shirka ayaa ahaa mid looga doodayey sidii loo hormarin lahaa Xoolaha dalka, iyadoona u daba socday shirka istaraatiijiyad sanadkii 2019 kii ay dejisay wasaaradda Xannaanada Xoolaha dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoona u jeedadada istaraatiijiyaddaas ay ahayd kobcinta wax soo saarka xoolaha dalka.
Waxaa shirkan kala qeyb galay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda dhexe midoowga Yurub, oo u keenay mashruuc ay doonayaan in baahiyaha lagu fulinayo ay ka doodaan Wasiirada Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Dowladda dhexe, si ugu yaraan mashruuca uu u noqdo mid waxtar leh oo ku salaysan baahiyaha ay qabaan xoola dhaqatada dalka.
Ka dhageeyso hoos warmurtiyeedkii shirka ka soo baxay iyo wareeysi ku saabsan shirka iyo waxyaabaha looga hadlay labadii maalmood ee uu socday oo wariyaha Idaacadda Warsan Muxudiin Xusni uu la yeeshay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda dhexe iyo agaasimayaasha qaar ka mid ah Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha dowlad Goboleedyada Dalka.