Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxay ku gacan-seyrtay Midowga Afrika in ergada dhexdhexaadinta ay taggaan Gobolka Tigreyga, si ay ula kulmaan Madaxda TPLF.
Mamo Mihretu oo lataliye sare u ah Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in ergada ay la kulmi doonto oo keliya Ra’iisal Wasaaraha, isla-markaana aan loo ogolaan doonin inay u socdaalaan Waqooyiga Itoobiya.
Mamo Mihretu ayaa sheegay inaanay la xaajoon dembiile-yaasha, balse ay taasi bedelkeeda calaaladda mariyaan, isagoo ergada u sheegay in doorka ay arriintan ka cayaari karaan ay tahay in TPLF ka dhaadhiciyan inay isa soo dhiibaan.
“Dembiile-yaasha lama xaajoono, taasi bedeleeda cadaaladda ayaan marinaa, oo lama fariisano miiska wadahadalka, waa go’aan ay gaartay xukuumadda. Waxaan filleynaa in walaalahayaga African-ka ah ay door muhiim ah ka cayaari karaan xaaladda taagan, waa haddii ay xubnaha TPLF ku cadaadiyaan inay isa soo dhiibaan.” Ayuu yiri Mamo Mihretu oo la hadlay BBC.
Waxa kaloo uu yiri “Deegaanka Tigreyga waxaa hadda ka socdo hawlgal militari, kaasoo aan rajeynayno in dhawaan la soo afjari doono. Haddii TPLF ay dooneyso in la soo afjaro colaadda waxa keliya ee u furan waa in si nabdoon isu soo dhiibaan. Marka ma jirto cid u baahan inay tagto Tigray ama Mekelle, si ay arrintaasi uga dhaadhiciso TPLF.”
Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa horey u sheegay inaanu dagaalka joogsan doonin, illaa iyo inta gacanta lagu soo dhigayo Madaxda TPLF.