Ergada Midowga Afrika uu u magacaabay dhexdhexaadinta Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Gobolka Tigreyga ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa.
Ergada oo saddex xubnood ka kooban ayaa waxay kala yihiin yihiin Madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Kgalema Motlanthe iyo Madaxweynihii hore ee Laberia, haweeneyda lagu magacaabo Ellen Johnson-Sirleaf.
Midowga Afrika ayaa ergada u magacaabay dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Tigreyga, si dagaalka loo joojiyo, xasiloonidana loo soo celiyo.
Ergada ayaa lagu wadaa inay Magaalada Addis Ababa kula kulmaan Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, iyagoona ka dalban doono in dagaalka la joojiyo, isla-markaana uu u ogolaado inay u safraan Gobolka Tigreyga, si garabka kale ay ula kulmaan.
Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa horey u sheegay inaanu dagaalka joogsan doonin, illaa iyo inta gacanta lagu soo dhigayo Madaxda TPLF