
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Degmada Baraawe.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo munsaabadda ku sugnaa ayaa xilka ku wareejiyay Gudoomiye Siidii.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa 16-kii bishan xilka ka qaaday Gudoomiyihii hore, isagoona Siidii ku soo bedelay.
Najax oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka uu ku wareejiyo Cabdulqaadir Siidii, oo horey xilkan u soo qabtay.
Siidii ayaa lagu ammaanaa doorkii muuqday, ee uu horaan ka cayaaray gulufkii militari ee Al Shabaab looga saaray inta badan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.






