Wasaarada amniga gudaha ee dowlad goboleedka koonfur galbeed oo warbixin loogu dhageystay shirka golaha wasiirada Kg ayaa waxay kahadashay anmiga guud ee kg maalmihii lasoo dhaafay iyadoo sheegay in degaano ka tirsan Kg dagaalo ay kula galeen kooxda al shabaab ciidamada kala duwan sida ciimada xooga dalka kuwa koonfur galbeed iyo ciidamada mareykanka oo duqeymo ka fuliyeen gobolka shabeelaha hoose duqeyntaasi oo lagu dilay kooxo ka tirsan kooxda al shabaab.
Sidoo kale warbixinta ay soo dugbisay wasaarada amniga gudaha ee kg ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda al shabaab isbuucii lasoo dhafay werar ay kusoo qadeen fariisamo ay jogeen ciidamada xooga iyo kuwa kg ee kusugnaa degmada qoryoole ee gobolka shabeelaha hoose kadib halkaasi al shabaab looga dilay ciidamo badan.
Wasiir kuxigeenka wasaarada amniga Mudane Isaaq Ibrow oo shirka goobjoog ka ahaa ayaa waxaa uu sheegay in sidoo kale degaanada qaar ee ka tirsan koonfur galbeed ay ka socdaan howlgalo lagu sugaayo amniga degaanadaasi.
Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta koonfur galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed oo shirka kadib lahadlay wariyaasha ayaa waxaa uu kawarbixiyay warbixinta wasaarada amniga kg ay soo gudbisay.
Halka hoose ka dhageyso cod W/Q/ Wariye Siid Cali Muuse Ateera.