Wafdi isugu jira xildhibaano iyo senataro oo ka kooban haweenka labada golle ee barlamanka jamhuuriyada federalka Somaliya oo ay hogaamineysey Wasiir ku xigeenka Wasaarda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka dowlada federalka Somaliya Samra ibrahim Cumar ayaa maanta soo gaarey magaalada baydhabo ee Xarunta Maamulka konfur galbeed.
Wasiir Samra oo qeyb VIP-da ee garoonka kula hadashey warbaahinta ayaa sheegtey in muhiimada socdaalkooda uu ku qotomo kulamo wadatashi iyo wacyi gelin oo ku saabsan sidii kuraasta qoondada haweenka ee barlamanka loo heli lahaa Maamulkana ay kala hadli doonaan.
Wasiirada ayaa sidoo kale Madaxweynaha konfur galbed uga mahadcelisey ahmiyada gaarka ah ee uu siinayo Haweenka iyo sida ay uga soo muuqdeen golaha deegaanka degmada diinsoor oo dhawaan lasameeyey iyagoo haweenka ka heley kuraas fiican, sidoo kalena ay rajeyneyso in barlamanka konfur galbeedna ay sidaas uga soo muuqan doonaan.