Gudoomayaha gudiga dhismaha maxkamada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool Cumar cabdulaahi maxamuud ayaa waxaa uu ka warbixiyay goorta ay soo geba gebaoowi doonto dhismahaasi oo si isxilqaan ah ay ku dhisteen maamulka iyo shacabka ku nool degmadaasi.
Sidoo kale qaar kamid ah magaalooyinka katirsan koonfur galbeed gaar ahaan degmada baydhabo ayaa shacabka iyo masuulin katirsan wasiirada iyo masuulin kale ayaa ka qeyb qateen lacag oo ay iska soo aruuriyeen barnaamijo lagu qabtay magaalada baydhabo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in mudo sanado ah xaqa garsoorka lagu geynaayay geedaha hoostooda si taasi loogu gudbo ayaa Gudoomayaha gudiga dhismaha maxkamada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool Cumar cabdulaahi maxamuud ku sheegay in maamulka iyo shacabka degmada xudur ay gu`aan sadaan in ay isku tashtaan oo ay dhistaan maxkamad cadaalad lagu goynaayo.
Gudoomayaha gudiga dhismaha maxkamada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool Cumar cabdulaahi maxamuud ayaa sheegay in sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay ay socdeen dhismaha maxkamadaan shacabka degmada xudur waxay isu tageen in ay side kale ay wax ka qabtaan xaruumaha kale ee loogu adeego bulshada degmada xudur sida xaruumaha waxbarashada` caafimaadka` saldhigyada iyo wadooyinka ugu muhiimsan degmada.
Sedax bilood ka hor wefdi uu hogaamiyaayay madaxweynaha koonfur galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) xildhibaano iyo golahiisa wasiirada oo ay gareen degmada xudur ayaa madaxweynaha wasiirka garsoorka iyo cadaalada iyo gudoomiyaha degmada xudur waxay si toos ah u dhagax dhigeen dhismaha maxkamadaasi, waxaana madaxweynaha sheegay in maamulka iyo shacabka degmada xudur loogu baahan yahay in ay isku tashtaan oo ay ka qeyb qataan dhismaha maxkamada degmada xudur.
By: Siid Cali Muuse Maxamed Ateera.