Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka hadlay fal kufsi ahaa oo shantii bishan ka dhacay degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose, loona geystay laba kamid ah hablaha deegaanka oo mid kamid ah aaney weli qaan-gaarin, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Wasiirka ayaa qeexay in ka maamul ahaan ay aad u dhibeyso ficilkaan foosha xun ee kusoo noq-noqday deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ka maamul ahaan aysan u dulqaadan doonin in dad anshax ahaan liito ay dhibaateeyaan sharafka hablaha Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur galbeed.
Ugaas Xasan ayaa sidoo kale ku sheegay in da’da hablaha lagu kufsaday Jannaale ay tahay 13 sano iy 35 sano, falkaasi ayuu tilmaamay iney ka dembeeyeen askar ka tirsan askarta qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya. kuwaas oo Ciidamadu ay qabteen loona gudbiyay Magaalada Muqdisho si cadaaladda loo horgeeyo.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Koonfur galbeed ay u mahadcelineyso Ciidamada Qalabka Sidda sida deegaanno badan oo Al-shabaab ay gacanta ku hayeen uga saareen, dadaalkaas oo qeyb ka ah in ammaanka Dowlad goboleedka loo sal dhigo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa cafis Madaxweyne u fiyay maxaabiis ku xirneyd xabsiga dhaxe ee magaalada Baydhabo.
Maxaabiistan cafiska loo fidiyay oo gaaraya 11-maxbuus ayuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen faray xeer ilaalinta gobolka Bay in ay xabsiga ka sii daayaan.