Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Kooxo hubeysan oo Askari ka tirsan Ciidanka Ciidanka xoogga dalka Guutada Shannaad qeybta 27-aad dil ugu geystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dilka askariga oo lagu Magacaabi jirey ayaa yimid kadib markii ay weerar kusoo qaadeen rag hubeysan xilli uu ku sugnaa xaafadda Buundo-weyn gaar ahaan Buulo yacquub,waxaana la sheegay is israsaaseyn dhex-marey askariga iyo ragga hubeysan uu ku geeriyoodey askariga.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysan ee falkaasi ka dambeeyey ay goobta isaga baxsadeen,hayeeshee Ciidamo gurmad ahaan ugu yimid ay meydka askariga goobta ka qaadeen.
Wararka laga helayo Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan qeybta 27aad ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilka askariga.
Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Beledweyne iyo taliska Ciidanka Booliska Magaaladaasi weli kama hadlin falka dilka ah,sidoo kale majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilkaas.