Muqdisho: Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal sheekh Cabdraxmaan ayaa ka Hadley geeradii ku timid Alle ha u naxariisteeMarxuum Aadan Xasan Cali oo ka mid ahaa xildhibaanada Golahja shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhamaan Madaxda qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyey Geerida Marxuumka,wuxuuna Alle uga rajeeyey inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo.
Sidoo kale Ku xigeenadiisa iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa si la mid ah Ehelada Marxuumka uga tacsiyey,waxaana lagu aasayaa Magaalada Muqdisho Marxuumka.