Kulankan xildhibaanada Barlamaanka Koonfur Galbeed manta ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Barlamaanka Dr Cali Saciid Fiqi,iyadona labadiisa ku xigeen dhinac fadhiyeen.
Ajandaha ayaa wuxuu ahaa soo jeedin ay gudoonka Barlamanka usoo gudbiyeen 30 xildhibaan oo barlamaanka ka tirsan taas oo aheyd in muda xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka la is waafajiyo,xildhibaanada ayaa ka doodey kadib markii gudoonka soo jeediyey in laga dood dhiibto.
Qaar ka mid ah xildhibaanada ka argti dhiibtay soo jeedinta Xildhibaanada ee ahaa in mudo xileedka madaxweynaha Koonfur Galbeed hal sano loo kordhiyo ayaa sidan u batay.
Doodad oo wakhti badan qaadan ayaa kadib Gacan taag loo sameyey,waxaana xubnaha xildhibaanada soo xaadirey oo gaarayay 87 dhamaan isku raaceen is waafajnta muda xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka,Kadib natiijada waxaa ku dhawaaqey Gudoomiyaha Barlamaanka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Fiqi.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiasis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa xildka Madaxweynimo loo doortay bishii December ee 2018-kii,waxaana hada mudada xilheyntiisa iyo tan Barlamaanka ku egtahay 2024-ta