Suudaan ayaa u yeedhatay wakiilkeedii Itoobiya iyaga oo ka muddaharaadsan waxa ay ku sheegeen faragelinta soohdimaha ay leeyihiin oo ay soo galeen maleeshiyaad Itoobiyaan ah.

Waxaana labada dal u socday wadahadallo ku saabsan xiisadda ka dhex taagan dhanka kale ee biyo xidheenka webiga Niilka, kolkaas oo Itoobbiya sheegtay inay dhamaystirkiisii ku dhawdahay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Khartuum, ayaa sheegtay dagaalyahanno ka tirsan maliishiyaad Itoobiyaan ah – oo ay taageerayaan ciidanka Itoobiya – ayaa si sharci darro ah uga tallaabeen xadka.

Tani waxay dhalisay isku dhacyo horaantii todobaadkan, ka dhex dhacay labada dal, isla sidoo kalena lagu diley askari reer Suudaan ah iyo cunug yar, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Addis Ababa.

Image copyrightREUTERS.
Image captionBiyo xidheenka Itoobbiya

Muddo sannado ah beeraleyda reer Suudaan waxay ku eedeeyeen dhiggooda Itoobiya inay qabsadeen dhul beereedyo u dhow soohdinta dalkaasi la wadaago Itoobbiya.

Arrinta ayaa suuragal ah inay hadda noqotay mid deg deg ah sababta oo ah xiisad kale oo ka dhaxaysa deriska ayaa hor u jirtay -taas oo ahayd dhismaha biyo xidheen ballaaran oo ku yaal galbeedka Itoobiya.

Suudaan iyo Masar ayaa labaduba ku doodaya in ay luminayaan biyaha muhiimka ah ee Wabiga Niil, haddii Itoobbioya xidhato

Halkee ayay maraysay xiisadda webiga Niil?

Khariirad
Image captionKhariirad

Wadahadaladii u dhaxeeyay Itoobiya, Sudan iyo Masar ee ku saabsanaa isticmaalka wabiga Nile ayaa guuldaraystay , sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Wakaaladda ayaa soo xiganaysa wasiirka arrimaha dibadda ee Sudan Ibrahim Ghandour.

Wadahadaladani oo ay lahaayeen wasiirada arrimaha dibadda iyo saraakiisha sirdoonka islamarkana socday 17 saacadood ayaa lagu guuldaraystay in la xaliyo khilaafkii u dhaxeeya dalalka ee wabiga Nile.

Masuliyiinta ayaa gaar ahaan ku guuldaraystay in ay xaliyaan arrinta ku saabsan biyo xireen ay ku baxayso 4 bilyan oo doolar kaasi oo ay dhisayso dowladda Itoobiya.

“Waxa aan maalin dhan ku jirnay wadahadal sida ay amreen hogaamiyayaasha saddexda dal , balse ma gaarin wax heshii ah, ma sii qeexi karo waxa ay yihiin waxyaaabaha la isku maandhaafay , balse waxaa jiray arrimo farsamo,” ayuu Mr Ghandour u sheegay wariyayaasha.

Dowladda Masar ayaa ka soo horjeedsatay mashruuca ay Itoobiya wabiga Nile uga dhisayso Biyo xireen ay doonayso in ay ka dhaliso koranto ay quwadeeda dhan tahay6,000.

Masar ayaa sheegtay in biyo xireenkan uu saamaynayo helida biyaha Masar iyo Beeraleyda dalkaasi.

Waxa ay Masar sidoo kale ku adkaysanaysaa in ay xaq taariikhi ah u leedahay taasi oo uu u damaanad qaaday heshiiskii la saxiixay 1929 iyo 1959, oo xaq u siinaya Masar 87% biyaha wabiga.

Sudan ayaa dhanka kale aan ku faraxsanayn mashruuca Itoobiya.

Laba qaybood ee wabiga Nile ee ka la ah Blue iyo White Nile ayaa waxa ay maraan caasimadda Sudan Khartoum.