Wararka Warbaahinta warsan ay ka helayo dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa ku Ganacsada dalkaasi uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray jirdil ay u geysteen Ciidamada Booliska dalkaasi Koonfur Afrika.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Maxamed ayaa waxaa la sheegay in xilli uu ku sugnaa Magaalada Pretoria ay ugu tagen goob Ganacsi uu ku sugnaa,kaidbna ay jirdil xoogan u geysteen.
Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in sababta loo jirdilay ay tahay in uu kamid ahaa Soomaalida aan u hoggaansamin bandowga lagu soo rogay Magaalada sababo la xiriira Cronavirus,isla markaana muwaadinka Soomaaliyeed ay u geeriyodeen dhaawac kasoo gaaray jirdilka loo geystay.
Dhinaca kale Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay dhaawac ugu geysteen Xaafadda Uitsig oo ku taalla Magaalada Cape Town,xilli uu ku sugnaa Goobtiisa Ganacsiga.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Ismaaciil Axmed ayaa waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka Tygerburg, sida ay xaqiiqiyeen Eheladiisa,iyaga oo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool,waxaana Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda.
